Idacadda Quraanka Kariimka
ee IQRA
Apr
27
War Deg Deg Ah: Shaqaalihii iyo Markabkii Spain laga lahaa oo Dalka Somaaliya lagu haystay oo la sii daayey Saacado ka hor.
Waxaa soo diray: saciidnadaara
War Deg Deg ah: Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xarardheere ee gobalka Mudug ayaa sheegaya galabta lasiidaayey Markabkii laga lahaa dalka Spain ee lagu magacaabay Playa de Bakio,Illaa iyo hada macada in markabkan laga bixiyey lacago madax furasho ah ayadoo la xaqiijinayo in lasii daayey 26kii shaqaalaha ahaa iyo Markabkii ay saarnaayeen.
Abdisalam Khalif Ahmed oo kamid ah mas¡¯uuliyiinta ku sugan magaalada Xarardheere ayaa mar uu saxaafada xiriir la sameeyey galabta sheegay in burcad badeeda lasiiyey 1.200.000 (Hal milyan iyo labo boqol oo kun) oo dollarka maraykanka ah.
Wuxuuna mas¡¯uulkani sheegay in hada burcad badeeda ay ku sugan yihiin tuulo wax yar u jirta Xarardheere isla markaana halkaasi ka kireysteen gaadiid ayagoo sita lacagtaasi lasiiyey. Abdisalam Khalif Ahmed ayaa sheegay in lacagtan lagu keenay dooni yar kadibna gacanta laga geliyey burcada, taasi oo keentay in ay burcada siidaayaan shaqaalihii iyo markabkii ay afduubka u heysteen.
Dhinaca Dowlada Spain waxaa siideyntan xaqiijiyey Ra¡¯iisul Wasaare kuxigeenka dalkaasi Mrs.Maria Teresa Fernandez de la Vega.
Mrs.de la Vega ayaa sheegtay in dhamaan shaqaalihii ayagoo nabad qaba lasii daayey, balse waxay ka gaabsatay in ay wax faah faahin ah ka bixiso habkii loo siidaayey markabkaasi, ayadoo aan soo hadal qaadin lacagtii Madax-furashada ahayd oo ay burcad badeedu codsadeen.
Kooxda Markabkan afduubay ayaa codsaday in lasiiyo lacag dhan 1 milyan oo Euro oo u dhiganta 1.6 milyan oo Dollar.
Markabkan ayaa laga qafaashay bada cas balse hada wuxuu ku sugan yahay xeebta degmada Xarardheere oo waa xarun u ahaan jirtay burcad badeeda Soomaalida.
Maria Teresa Fernandez de la Vega Ra¡¯iisul Wasaare kuxigeenka spain ayaa shirkeedii jaraa¡¯iid galabta ku sheegtay in markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain uu soo galbin doono Markabkaasi lasii daayey.
Waxayna ku nuux nuuxsatay in dowlada Spain ay ka shaqeyn doonto sidii aan dib danbe falalka afduubka noocaan ah uga dhicin xeebaha soomaaliya.
Dowlada Spain ayaa wadahadalo la galay kooxda wax afduubay ayadoo wadahadaladan ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen Mulkiilayaasha Markabkaasi kaluumeysi oo markii laga afduubta bada Soomaaliya ku jiray hawlaha kaluumeysiga kaluunka Tunada.
Afmaal videos - afmaal.com
Daawo filimo qiimo badan
Gabayo cusub:
»» Sheikh Raage Axmed
Raadso warar..
Ku qor halkan xarfo:
Links.
Bogag kale oo aan kuusoo dooranay:
»» 4 Somali Medical.
»» Kafaalo+Agoon
»» Afnugaal.com
»» Aldalka.com
»» Allgedo.com
»» Afmaal videos
»» alltaleex.com
»» allmudug.org
»» allpuntland
»» allsanaag
»» allwadani
»» aminarts
»» beerdhiga
»» buurhakaba
»» bbcsomali
»» boocame.com
»» dayniile
»» danowadaag
»» dailypuntland
»» puntlandnews
»» puntlandpost
»» hiiraan
»» halgan
»» hornafrik
»» horseednet
»» markacadey
»» shabelle
»» calanka
»» Carmooyin
»» qaranimo
Wareysiyo cod ah oon soo duubnay:
Muxaadarooyinkii u dameeyey ee IQRA:
1: Mowqifka la rabo inuu qofka Muslimka ah iska taago Aduunyada
»» Sheikh Ahmed Mohmed Sulaymaan
2: Tawxiidka Macanaa Si Fiican u Dhagayso
»» Sheikh Maxamed Axmed Rooble ( Boqolsoo)
3: Dhimashadii Nabi Maxamed Scw Qeybtii Labad New
»» sheikh xasan ibraahim
4: Warbixintii Masjidu Al-hudaa ee Magaalada Garoowe Sheikh C/qaadir Nuur Faarax Dhagayso
»» Sheikh C/qaadir Nuur Faarax
5: Qisadii Nabi Muuse (Scw) iyo Boqorkii Dalinka ahaa ee Fircoon 1 new
»» Sheikh Xasan ibraahim
6: Si Fiican u Dhagayso Muxadartan Qalbiga bini'aadamka
»» Sh. Shariif C. Nuur
7: dhagayso qabyalada sida ay u gasho qofka islamka
»» Sheikh Max´ed Cabdi Umal
8: Si Fiican u Dhagayso Muxadartan Gabdhaha Wanagsan, Hooyada iwm
»» Sheikh Max´ed Rashaad
9: xasuusnow inaad dhimanayso
»» sheikh maxamed
10: qiso dhab ah oo laga soo wariyay nabi max´ed (scw) nin baras qaba ,nin indhol ah iyo nin bidaara leh
»» sheikh ibraahim
Halkan ka dhegeyso BBC-da





