Apr
16

Warar Deg Deg ah Qarax Ka Dhacay Baydhabo & 6-ruux Oo Ciidamad France Ay Dhawaan Kaxaysteen Oo Xabsi Pari Ku Yaal La Dhigay

Waxaa soo diray: saciidnadaara

Wararkii ugu danbeeyay ee soogaaray Shabakada Caalamigaa ee iqrasomali.com ayaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa anagoona adeegsanaynaa warar-ka ay noo soo gudbiyaan dad goobjoogayaal ah naguna kalsoon yahay,

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada baydhaba ee xarunta Gobalka bari xaruna u ah Dowlada Soomaalia ayaa shiigaya inuu goordhaweed uu kadhacay Magaaladaas qarax Dhimasho iyo Dhawaacba Sababay,

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka Dhacay afaafka hore Suuqa Sarifka ee magaalada Baydhabo Iyadoona lagu soo waranayo inay goobta ku sugnaayeen xiliga uu qaraxu dhacayay Ciidamada Dowlada Soomaalia,

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 1-ruux halka 2-ruux oo kalaytana ay ku geeryoodeen sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah,

Dadku dhaawacu soo gaaray ayaa waxaa kamid ah Ciidamada Dowlada Soomaalia oo goobta qaraxu uu ka dhacay ka agdhawaan,iyadoona qofka geeryooday la xaqiijiyay inay ahayd haweenay ku sugnayd xiliga uu qaraxu dhacayay suuqa saraifka oo loo malaynayo inay wax ka sarifanaysay suuqa,

Ilaa iyo hada macada khasaaraha dhabtaa ee uu dhaliyay qaraxaan iyadoona goobta uu qaraxu ka dhacay ay tahay mid aad u kacsan,

Ciidamada Dowlada Soomalaia ayaa haatan waxaa ay goobta kawadaan baaritaan aad u xoogan ayagoona ku raadjooga cidii ka danbaysay Falkaan,



Dhanka kalauyto wararka naga soo gaaraya Magaalada Paris ee xarunta Dalka France ayaa sheegaya inay Goordhaweed Xabsi ku yaala Magaalada lagu xareeyay 6-Somalia ah oo dhawaan Ciidamada Dalka France ay ka ka xaysteen Dalka Soomaalia gaar ahaan Degmada Jariiban,

Sidaan waxaa goor dhaweed shaaca ka qaaday Saraakiil Fransiis ah iyagoona sheegay inay Manta ay xabsiga dhigeen 6-somalia oo dhawaan ay ka ka xaysteen Dalka Soomaalia,

Ragaan ayaa la shaaciyay inay xabsi ku sii jiri doonaan 96 saacadood ka dibna baaritaan lagu samayndoon iyagoona su,aalo la waydiindoona Marka xeer ilaaliyaha loo gudbiyo oo dhacwadooda laqaado,

Xeer ilaaliyaha Dalka France ayaa sheegay in Maxkamada lagu taagayo Ragaan isagoona sheegay inay Fasax ka heleen Madaxweynaha Dowlada Soomaalia C/llaahi yusuf Axmed oo ay horay u waydiistay Safax ku aadan in ragaan dalkooda lagu Maxkamaday karo iyo in kalayto,

Wararka ay ku dhaqan dagaanadii laga kaxaystay Ragaan ka soo gaarayaa ayaa sheegaya in ragaan ay Ciidamada Dalka France ka xaysteen aysan wax shuqul ah ku lahayn Howsha ay ku qabteen,iyagoona ragaan la qabtay xili ay safar ku jireen,iyagoona sheegay in lagu khalday Burcadee wax qafaalatay,

Ragii qafaalashada Markabka ka danbeeyay ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku suganyihiin degaanada Puntland ayagoona la sheegay inay ku raaxaysanayaan KHarashaadkii y ka qaateen Markabkii ay haysteen Lagata oolagu qiyaasay 2Milyan oo doolar-ka Maraykaa,

Ilaaiyohada Majidho cid ka hadashay arintaan foosha xun oo ay ku ka ceen Ciidamada Dowlada France haday ahaan lahayd Dhinaca Dowlada Soomaalia ama Puntland,

Wixii ka soo kordha hamoogaan iqrasomali.com

Saciid C/llaahi Kulmiye Nadaara

Xafiiska Warqabadka iqrasomali.com Ee Dalka Malaysia saciidnadaara@hotmail.com


ImageHalkan ka dhegeyso BBC-da
04:00 GMT
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT

ImageRaadso warar..
Ku qor halkan xarfo:


ImageLinks.
Bogag kale oo aan kuusoo dooranay:

»»  Alxaq.com
»»  4 Somali Medical.
»»  Kafaalo+Agoon
»»  Afnugaal.com
»»  Aldalka.com
»»  Allgedo.com
»»  Afmaal videos
»»  alltaleex.com
»»  allmudug.org
»»  allpuntland
»»  allsanaag
»»  allwadani
»»  aminarts

»»  beerdhiga
»»  buurhakaba
»»  bbcsomali
»»  boocame.com
»»  dayniile
»»  danowadaag
»»  dailypuntland
»»  puntlandnews
»»  puntlandpost

»»  hiiraan
»»  halgan
»»  hornafrik
»»  horseednet
»»  markacadey
»»  shabelle
»»  calanka
»»  Carmooyin
»»  qaranimo